WAR CUSUB: Real Madrid oo $360m oo doollar ku doonaysa Neymar JR + Sawirro (RM oo ka hadashay)

0

(Madrid) 02 Luulyo 2018 Kooxda Real Madrid ayaa Paris Saint-Germain u bandhigtay dalab ku kacaya £275m oo gini oo u dhiganta $360m oo doollar si ay uga soo qaadato jookarka Neymar Jr iyadoo jawaab sugaysa, sida uu baahiyay hilinka hoos taga dowladda Spain ee TVE.

Neymar ayaan qandaraaskiisu lahayn shuruud lagu fasiqi karo kahor 2019, iyadoo PSG ay sheegtay in aanu iib ka ahayn ilaa haatan.

Balse haddii loosoo bandhigo dalab rikoodh jebis ah ka dayrin maayaan, gaar ahaan haatan oo lagu jiro waqti ay KA2018 wacdaro iskood ah ka dhigayaan Kylian Mbappe iyo Edinson Cavani.

War hadda kasoo baxay Real Madrid ayaa lagu sheegay in aan warkaasi waxba ka jirin, oo ay tahay been la dhoodhoobay.

‘Real Madrid waxay la yaaban tahay in TV-gii dadwaynaha Spanish-ku uu u bareero been cad oo uusan cidna kala soo xiriirin, taasoo haddii ay dhici lahayd aan beenin lahayn.’ ayay tiri RM.

Hadalsame Media