15 ruux oo ku dhintey dab ka kacay suuq kuyaala Magaaladda Nairobi.

0

(Muqdisho) 28 Juun 2018 – Dab xoogan oo saaka qabsaday suuq ku yaala bartamaha Magaaladda caasimada ah ee Nayrobi ee dalka Kenya ayaa dilay 15 qof iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 70 ruux oo kale.

Boliiska ayaa sheegay inay baarayaan sababta rasmiga ah ee danbeysa in dabkaani kaco, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha nafeed ka bato inta hadda la ogyahay.

Gurmad xoog leh oo dadka xaafadaha ka dhaw goobta dabku ka kacay ay sameeyeen ayaa la sheegay in lagu badbaadiyey hanti badan

Gaadiidka gurmadka deg deg ayaa la arkayey iyagoo gadaal iyo hore u cararaya waxaana Cusbitaalada Magaaladda la dhigay dad qaba dhaawacyo halis ah oo ka dhashay dabkaan.

Hanti badan oo lagu qiyaasey boqolaal kun oo dollar ayaa ku basbeelay dabkaan sida ay sheegeen warbaahinta gudaha Kenya.

Hadalsame Media.