Itoobiya oo maanta soo saaraysa 450 fuusto oo shidaal ah (Dadka degaanka oo khayraadkooda ka qatan)

0

(Adis Abeba) 28 Juun 2018 – Ethiopia ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaysa inay dibedda u dhoofiso saliid qeeriin oo tijaabo ah oo laga helay dhulka Soomaalida ay Itoobiya maamusho.

 


Fitsum Arega, oo ah agaasimaha guud ee xafiiska RW Abiy Ahmed ayaa sheegay in saliid badan degaankaasi laga helay kaasoo ay Itoobiya sanadkii ka heli doonto 8 bilyan oo doollar, waxaana gaaska laga helay Poly-GCL lagu qiyaasayaa 6 ilaa 8 Tarilyan cagood oo seddex jibaaran.

Hay’ad wareedka ologga la ah dowladda ee Fana Media ayaa Dr Abiy kasoo xigatey in 450 fuusto oo tijaabo ah maanta lasoo saari doono, isagoo sheegay inay xigayso in si buuxda loosoo saaro saliiddaasi.

Saliiddan qeeriin oo ah mashruuc aysan wax badan kala socon dadka degaankaasi ku nool ee Soomaalida ah, isla markaana aan ilaa iminka loo sheegin qoondada ay ku leeyihiin boqolleeyda la qaybsanayo maaddaama dhulkooda laga soo saarayo ayaa waxaa qaadi doonta tubbooyin ka tuuraya dekedaha Jabuuti, kuwaasoo dhismohooda la bilaabayo bisha Sebtember lana dhamaystirayo muddo laba sano gudohood ah.

Hadalsame Media