WAR CUSUB: Yurub oo maanta ka doodaysa in ay tillaabo ciidan ka qaadi karaan dalal ay Afrika ka mid tahay!

0

(Brussels) 28 Juun 2018 – Madaxda Midowga Yurub ayaa maanta ka xaajoonaya adkaynta xuduudaha iyadoo haddii qorshahaa la isku waafoqo Frontex lagu xoojinayo dad iyo agab intaba.


Ilaa 10,000 oo ah booliiska xuduudaha ayaa la diyaarin doonaa sanadaha yar ee soo socda, iyadoo uu Komishanka Yurub doonayo in la xoojinayo oo sharciyad la siiyo Frontex oo ah ilaalada xeebaha iyo xuduudaha Yurub, iyadoo taageero dhaqaale ay ku yaboohayaan dhamaanba dalalka Midowga Yurub.

Awoodaha cusub ee Frontex waxaa ka mid noqon doona in awood loo siiyo inay tillaabo ka qaadi karaan xitaa dalalka ka baxan Midowga Yurub sida Woqooyiga Afrika.

Madaxwaynaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa warqaddii casuumaadda shir madaxeedka manta ku qoray in qaxootigii Yurub soo gelayay uu hoos u dhacay 95% tan iyo xasaraddii qaxooti ee 2015, balse wuxuu ku baaqay in intaa ka badan la sameeyo si aan EU loogu arkin daciif, dadkuna ay amaan u dareemaan.

Yeelkeede, Patrik Engström, oo ah madaxa booliiska xuduudaha Sweden oo sidoo kale ku jira Frontex, ayaa su’aal ka keenay in tillaabadan loo baahan yahay iyo in kale, isagoo qaba inay tafaasiil badani maqan tahay, marka ay timaaddo waxyaabaha loo baahan yahay in howshan lagu qabto iyo qaabka iyo waxa la qabanayo.

Hadalsame Media