Soomaaliya:- “Waa la dhageysanayaa tabashooyinka Somaliland,”

0

(Muqdisho) 27 Juun 2018 –  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in dib loo billaabayo wadahadaladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo hakad galay dhawaanahaan.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daaha ka qaaday in dowladda Soomaaliya ku dadaaalayso in la soo celiyo xariirka iyo wadaxaajoodyadii Soomaaliya iyo  Somaliland.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilawdo si loo dhameystiro khilaafaadka jira.

Mr. Mahdi ayaa ka dhawaajiyey inay muhiim tahay in sa fiican loo dhuuxo oo la dhageysto cabashooyinka iyo tabashooyinka Somaliland wuxuuna Maamulada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan dalka Jabuuti si loo horrumariyo wadahadalada labada dhinac.

Hadalsame Media