”Bal selledda dhuxusha biyo kusoo dhaami”

0

(Hadalsame) 27 Juun 2018 – Wuxuu Akhrin jirey Quraanka laakiin ma xifdin jirin, wiil yar oo uu dhalay ayaa ku yiri ” Aabo maxaad ka Akhrin Quraanka hadii aanad Xafidayn?”.

 

Odaygii wuxuu ku yiri ” Aabo waxaad Qaadaa Salladda ama Dambiisha Dhuxusha lagu soo Qaado oo Biyo Ku Soo Dhaami, Wiilkii intuu yaabey Ayuu ku yiri “Aabo Salladda Biyo laguma Dhaamin karo oo way wada Dalooshaa”, Odaygii wuxuu Ku yiri Orad isku day.

Wiilkii isagoo og hadana raali galinaya Aabihiis Ayuu Qaatey Salladdii ama Dambiishii wuxuuna la tagey Biyihii badda wuxuuna ku soo noqdey Aabihiis oo Ku yiri Aabo biyo laguma Qaadi karo Salladda oo kolkaad soo darto Dhinac walba way ka daadan.

Odaygii Wuxuu yiri ku cel celi, kolkiii yarkii Daalay oo uu Dhawr jeer Ku noqdey Odaygii ayuu ag fadhiistey Wuxuuna yiri Aabo Suurto Gal maaha inaan Salladda biyo ku soo dhaamiyo.

Odaygii Wuxuu Ku yiri Aabo intii aad Salladda ama Dambiisha Biyaha Ku dhaaminaysey wax ma ku aragtey? Wiilkii Wuxuu yiri “Haa oo Wasakhdii oo Dhan ayaa ka daadatey Salladiina nadiif ayeey noqotey”.

Odaygii Wuxuu yiri Qofka Quraanka Akhriya Wasakhdaas oo kale ayaa Ka Daadanaysa Qalbigiisa Ilaa Qalbiga Qofka Quraanka Akhriya uu nadiif noqdo yuusanba Xifdine.

Akhri qur’aanka xataa hadii aadan xifdiyi karin….

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Abdullahi Muse Farah

Hadalsame Media