Munaasabada Xuska Xorriyadda Jabuuti.

0

(Muqdisho) 27 Juun 2018 Dalka Jabuuti ayaa u dabaal degaya 41 sanno guuradii ka soo wareegatay markii Jabuuti ka iska qaadey heeryadii gumeystihii Faransiiska.

Guddoomiyeha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo ku sugan Jabuuti ayaa shacabka iyo Madaxda dalkaasi kala qeybgalaya dabaaldegyada maalmaha xoriyyadda.

Guud ahaan Jabuuti gaar ahaan caasimada Jabuuti iyo gobolada kale waxaa aad looga dareemay xalay illaa saakay ka dabaaldagyo balaaran oo ay dhigayaan shacabku iyagoona ruxayey calanka dalkaasi Jabuuti kaasoo sidoo kale lagu xardhay waddooyinka Magaaladda caasimada ah iyo magaalooyinka kale.

Madaxweyneha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta khudbad ka jeediyey munaasabada dabaal daga xornimada Jabuuti isla markaana shacabka ku dhiiragaliyey inay xejistaan xoriyadda ay ku naaloonayaan maanta.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa uu hambalyo u diray Madaxweyneha Jabuuti iyo Shacabkiisa Munaasabada xoriyadda awgeed.

Hadalsame Media