DHEGEYSO: Aragtida dadka Soomaaliyeed ka dhiibteen kulanka Mexico vs Sweden

0

(Stockholm) 27 Juun 2018 – Waxaa galabta ciyaar adagi dhexmaraysaa afarta kooxood ee Guruubka F ku wada jira oo ay 3 ka tirsani leeyihiin rajo ay ugu soo gudbi karaan wareegga 16-ka KA2018.


Xulka Mexico ayaa ugu rajo roon oo ay iyadu Sweden uga baahan barbarro uun, halka Sweden ay u baahan tahay natiijo kasta oo ay kaga roonaan karto Jarmanka, balse Jarmanka ayay lugtiisa kaga xiran tahay inuu gaaro wareegga 2-aad, waana inuu S Korea uga adkaado 2 gool iyo wixii ka badan.

Haddaba qaar ka mid ah dadwaynaha Soomaaliyeed ee Stockholm ayaannu wax ka waydiinnay rajada Sweden ay galabta leedahay. Waxaa waraysanaya Maxamed Xaaji oo ka tirsan Hadalsame Media.

Hadalsame Media