Donald Trump:- “ Lama aqbali karo canshuurta xad-dhaafka ah ee India”

0

(Muqdisho) 27 juun 2018 Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inay dhacaan kullamada heer madaxtooyo ee lagu magacaabo maiden 2+2 dialogue with India, hase ahaatee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo arbaca ah ku eedeeyey Hindiya inay soo rogtay canshuur xad-dhaaf oo ka dhan alaabaha Mereykanku u beec geeyo Hindiya.

“Waxaan heynaa dalal badan oo badeecaddeena saaraya Canshuuro ama Tariifooyin heer koodu gaarayo boqolkiiba boqol (100 percent tariff on import of American products)”ayuu yiri,Trump isagoona intaas ku darey inay u baahan yihiin in gebi ahaanba meesha laga saaro Tariifooyinka nuucaas ah.

Waxaa uu ka jawaabayey suaal aheyd in isaga laftigiisu qorsheynayo inuu soo rogo dhawaan tariifooyin dheeraad ah oo la saarayo alaabaha ama badeecooyinka kaga yimaada Mareykanka banaanka ama dalalka shisheeye sida Shiinaha oo kale.

Taasi ayuu sheegay inay jawaab iyo aargoosi u tahay dagaalka ganacsi ee Mareykanku kula jiro Jilba-weynta ganacsiga sida Shiinaha, Midawga Yurub iyo India.

Dowladdaha Mareykanka iyo India ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey ee wadahalka 2+2  asbuuca soo socda sida ay sheegeen wasiiradda arrimaha dibedda iyo difaaca India Sushma Swaraj iyo Nirmala Sitharaman.

Hadalsame Media.