LA YAAB: Halkee ku qiyaasi lahayd muuqaalka aad u jeeddo? + Sawirro

0

(Sakha) 26 Juun 2018 – Magaalooyinka dalka ballaaran ee Ruushka waxaa lagu yaqaannaa dhismayaal u dhisan qaab aad ku maamin karto uun sheeko xariirooyinka, matxafyo fara badan iyo nolol cawaysin leh oo aan caadi ahayn.


Yeelkeede, waxaa jira qaybo ka tirsan Ruushka oo aan lahayn dhamaanba astaamaha iyo muuqaallada qofka kusoo dhacaya marka uu Ruush xusuusto oo ah baraf, madax kuti, Vodka iyo AK47.

Weli ma ku fikirtay Ruush baa leh saxaro la mid ah midka Khaliijka ama Afrika? Halkani waa Jamhuuriyadda Sakha oo dhacda Bariga Fog ee Ruushka, way adag tahay inaad rumaysato, balse tiiyoo aad haatan ujeeddo dhul kulaale ah, misna xilliyada jiilaalka wuxuu qabowgu hoos u dhaafaa -60C.

Culimada taqaanna cilmiga dhulku waxay la yaabban yihiin sida ay ciiddani kaga samaysantay lama degaanka Saamys-Kumaga oo markii hore ahayd meel lagu yaqaannay laago iyo webiyo, waxayna qaarkood ku doodayaan inuu samaysmay 27,000 sano kahor, xilli ay webiyadu qallaleen barafkuna joogsadey, deedna ay dabayl xooggani ciiddii bataaxa ahayd u bitisay jihooyin kala duwan.

Waxaa sidoo kale Ruushka gaar ahaan buuraleeyda Kamchatka ku yaalla dooxooyin lagu khaldayo kuwa foolkaanaha miiran ah ee dalka yar ee Iceland.

Hadalsame Media