ISKA DHIIB AC MILAN: Rocco Commisso oo 48-saacadood u qabtay Yonghong Li

0

(Milano) 26 Juun 2018 – Waxaa lasoo werinayaa in Rocco Commisso uu Yonghong Li u qabtay 48-saacadood si uu u aqbalo in uu kala wareego kooxda AC Milan, balse Yonghong Li ayaa la sheegayaa inuu rajo ka qabo Thomas Ricketts.


Milkiilaha kooxda New York Cosmos ayaa doonaya inuu kooxda AC Milan ku iibsado qiyaastii €500m taasoo lagu daray damaanad ku aaddan inuu bixinayo qaanta ay kooxda ku leedahay hay’adda coomaadda ah ee Elliott Management.

Yeelkeede, diyaar uma aha inuu hardan dhanka gorgortanka ah la galo cid kale sida ay wada qorayaan Gazzetta dello Sport iyo Il Sole 24 Ore oo sidoo kale sheegaya inuu 48-saacadood jawaab uga sugayo Mr Li.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Commisso uu sidoo kale Li u ogol yahay inuu sii haysto saami aan aqlabi ahayn oo ah 30%, balse milkiilaha Shiinayska ahi arrintaa wuu ka caga jiidayaa, isagoo rajo ka qaba inuu dalab midkaa ka qaalisan ka helo qoyska Ricketts, oo iska leh Chicago Cubs, kaasoo iman kara maalmaha yar ee soo aaddan.

Hadalsame Media