Farmaajo:- “Naf iyo Maal ayaa loo hurey xoriyadda aan maanta heysano”

0

(Muqdisho) 26 Juun 2018 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa hambalyo u diray ummada Soomaaliyeed guud ahaan xilli lagu jiro dabaaldega sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka.

Mr. Farmaajo ayaa xalay khudbad ka jeediyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan midnimo iyo inay illaashadaan jiritaankooda ummadeed waxaana uu sheegay in dhib badan laga soo maray helitaanka xoriyadda maanta la heysto.

“Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale, maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo.”ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Gobollada Waqooyi ee Soomaliland kaalinta lixaad ee ay ka qaateen gobonnimo doonkii iyo israacii Koonfur iyo Waqooyi, waxaana uu sheegay in shucuurta dareenkaas midnimo inuu wali nool yahay isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan qabyaaladda iyo daneysiga kuna dadaalaan wadajir iyo waddaniyad

Hadalsame Media