Guuldarrada Masar oo sababtay geerida tebiye ciyaareed oo dalkaa caan ka ah!

0

(Qaahira) 26 Juun 2018 – Laacibkii hore ee xulka Masar oo xilliyadii dambe ciyaaraha tebin jirey marxuum Abdel Rahim Mohamed, ayaa la sheegayaa inuu wadnuhu istaagey oo uu si soo booddo ah u geeriyoodey kaddib markii ay saamaysay guuldarradii uu xulkiisa Masar kala kulmay Sucuudiga oo shalay 2-1 uga badiyay.

Ninkan oo sidoo kale horay u ahaan jirey macallinkii kooxda reer Qaahira ee Zamalek Sporting Club ayaa la sheegayaa inuu ku xanuunsaday ciyaartii kooxdiisa laga badiyay daqiiqadda 95-aad ee ka dhacday Volgograd.

Sida uu warku sheegayo waxaa ninkan ku dhacay wadne xanuun, in yar uun kahor mar laga doonayay inuu falanqeeyo bandhig xumaddii xulkiisa Masar ee KA2018, gaar ahaan Guruubka A, wuxuuna u shaqaynaya hilinka Nile Sports channel.


Hadalsame Media