Kooxda Dekedda oo u duushay dalka Tanzania

0

(Muqdisho) 26 Juunyo 2018. Kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa ka amba baxday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade iyagoo ku sii jeeda wadanka Tanzania.

Naadiga Dekedda  ayaa ka qayb gali doonta tartanka Cecafa Club Kegame Cup, kaa soo sida qorshaha ah lagu qaban doono magaalada Dar Es Salaam .

Koobkan oo aan la qaban labadii sanno ee la soo dhaafay ayaa waxaa difaacanaysa kooxda Azam oo 2015-kii 2-0 uga badisay Gor Mahia oo Kenya ah.

Cecafa Club Kegame Cup  waxaa ka qayb qaadan doona 12 kooxood oo saddex ka mid ah ka socoto marti galiyaasha tartankan ee Tanzania.

Kooxda Dekedda ayaa Safarka Tanzania waxaa ku wehliya Ibra oo ka soo jeeda Kenya,Mustafa oo u dhashay Uganda, Banuu iyo goolhaye Mustaf oo u kala ciyaara Banaadir iyo Heegan.

Sikastaba koobka ayaa furmi doono 29-ka bishaan, waxaana Dekedda kullankeeda ugu horreeya ay ciyaari doontaa 30-juun iyadoo wajahaysa kooxda Simba.

Hadalsame Media