DAAWO: Soomaliland Maxay ka tiri go’aankii Dowladda Soomaaliya?

0

(Muqdisho) 26 Juun 2018 Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey munaasabad xalay lagu maamuusayay 26 Juun oo beegneyd markii ay gobollada Waqooyi ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Hambalyo lagu u diray shacabka Soomaliland.

Waxaa dhinaca kale uu ku eedeeyey Dowladda Soomaaliya inay isku dayeyso ficilo uu ku sheegay cunnaqabateyn ka dhan ah Maamulkiisa, waxaana sidoo kale fariin uu u diray madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Muuse Biixi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in Madaxda Sooamaliya ka hadlaan Midnimo mar walba hase ahaatee ficilada dowladda Sooamaliya ay ka turjumayaan cadawtinimo iyo sii fogeyn sida uu yiri ku socota shacabka Somaliland.

Waxaa uu kaga mahadceliyeydeeqbixiyaasha caalamka go’aanka ay ku diideen dalabka Wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ahaa in Soomaaliya aysan dib u cusbooneysiin doonin heshiiskii gaarka ahaa ee deeqaha Soomaliland.

       Xiisadda Tukaraq.                             

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale soo hadal qaadey dagaalka Tukaraq ayaa yiri sidaan27 sano oo silic, rafaad, dagaal iyo waxbarasho la’aan baynu soo marnay, uma sii baahnin dagaalo kale, colaadaha Tukaraq ee Cabdiwali Gaas soo huriyey waxaa uu kaga danleeyey inuu sameysto muddo korarsi waxaana u sheegayaa dadka Puntland inay ka fekiraan danahooda,”

Hadalsame Media