RW Khayrre oo kulan la qaatay madaxwayne Kagame + Sawirro

0

(Kigali) 25 Juun 2018 – Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayrre iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay Muqdisho ka duulay ayaa galabta madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame oo uu dalkiisa ku casuumey. Halkan ka DAAWO sawirrada…

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hogaaminayo oo qeyb uu ka yahay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr, ayaa loogu soo dhaweeyay madaxtooyada looga arrimiyo dalkaasi ee ku taalla caasimadda Kigali.

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqashadiisa gaaban wuxuu madaxwayne Kagama lasoo qaaday waxyaabo badan oo ay Rwanda horay usoo martay balse ay ka gudubtey iyo sida ay ku noqotay dal maanta caalamka laga tusaalaysto.

RW Khayrre ayaa xalay kulan casho sharaf aha la qaatay dhiggiisa Rwanda, Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaasi.

Hadalsame Media