Ma taqaannaa sababta Soomaalida ku khasbaysa inay MADAXDA dalalka kale jeclaadaan?!!

0

(Hargaysa) 25 Juun 2018 – Soomaalidu in ay hoggaankooda quus ka joogaan, u na harraadan yihiin madax daacada, damiir le, oo cusboonaysiisa dawladnimadooda, waxa marag ka ah, sida ay ugu riyaaqsan yihiin madaxda shisheeye ee kalsoonida dadkooda kasbaday.

 

Alla maxay sacab aan loo oggayn iyo alalaas isugu dareen, Mahaatir Maxamed, Erdogen iyo ka yare Oromada ah ee reer Abaysiniya.

Waxa se aanay oggayn oo qabyaalad iyo nin-jeclaysi ka indho-saabeen dadkii tayadaas lahaa ee ku hoggaamin lahaa masuuliyadda, ilayn ummad dhami caydh kama noqon karto dad garasho sare lehe.

Beri sii horraysay baan idhi:

Kulligeed ba Soomaal
Waa kaadir-naaxiya
Kadabkoooda gooyuhu
Ku iin maalo reernimo!

Mar kale waxan idhi:

Arligeenna Soomaal
Is-diidooyin dhawraa
Asaraarka ooggoo
Indhow-garadku waa bilan
U arrimiya indheer-garad!

Qore: Maxamed Cali-Ruush

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan.

Hadalsame Media

Facebook Comments