DHEGEYSO: ”Khayrre & Farmaajo ma fadhiyaane waxay ku tala jiraan inay Somaliland kusoo daraan Federaalka” – Marwo Faaduma

0

(Hargaysa) 25 Juun 2018 – Marwo Faaduma Siciid oo ka tirsan xisbiga Waddani ee ka jira Somaliland ayaa ka digtey wax ay ku sheegtay daad kaga imanaya dhanka dowladda Somalia oo ay ku eedaysay inay fashilinayso horay u socodka Somaliland.

 

”Hujuum aad u wayn baa nagusoo socda, Khayrre iyo Farmaajo ma fadhiyaane waxay ku tala jiraan sidii ay Somaliland kusoo gelin lahaayeen Federaalka” ayay tiri Marwo Faaduma oo ku baaqday in loo midoobo wax ay u aragto halis soo fool leh nidaamka Hargaysa.

Faaduma ayaa madaxwaynaha Somaliland iyo guud ahaanba Xisbiga Kulmiye ku eedaysay inay ka jiifteen sid ay tiri siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland, iyadoo sheegtay in xitaa hawadii Somaliland ay la wareegtey dowladda Somalia.

Halkan hoose ka dhegeyso…

 

Xigasho: Saab TV

Hadalsame Media