DAAWO: Taageerayaal hafiyay Radja Nainggolan mar uu yimid xarunta Inter Milan + Sawirro

0

(Milano) 25 Juun 2018 – Radja Nainggolan ayaa waxaa hafiyay taageerayaal faraxsan oo kooxda Inter Milan, jeer uu ka baxayay xarunta kooxdaasi, kahor dhamaystirka tijaabada caafimaadka.


Laacibkan Belgian-ka ah ayaa €24m kula biiraya kooxdaasi, iyadoo ay dhanka kale aadayaan muluqa Nicolò Zaniolo iyo Davide Santon.

Laacibkan oo lagu naanayso Ninja ayaa fiidkan yimid xarunta Nerazzurri si uu u saxiixo qandaraaskiisa cusub, balse waxaa sii dhowrayay taageerayaal xamaasadaysan oo aad u faraxsanaa.

Laacibka oo watey garba saar uu ku sharraxan yahay midabka Inter ayaa taageerayaasha u gacan haadiyay, isagoo la galay sawirro iska qaad ah.

Hadalsame Media