Taageere Juventus ah oo qarka u saaran inuu iibsado AC Milan!! (Wax badan oo kaa yaabiya ka baro!)

0

(New York) 24 Juun 2018 – Xaaladda kooxda Milan ayaa meel xasaasi ah mareeysa heer maamul iyo heer ciyaareed intaba, iyadoo sidoo kale sugeeysa xukunka UEFA oo ay dhici karto inay xitaa laba sano ka mamnuucdo koobabka Yurub, hubaal la’aanta dhaqaale ee ka jirta dhanka milkiileheede darteed.

Yeelkeede, isla waqtigan waxaa magaalada New York lagu jeexjeexayaa aayaha kooxda Rossoneri, waxaana halkaa maalmihii dhowaaba ku sugnaa Han Li oo ah agaasimaha fulinta iyadoo la sheegayo inuu haatan ku biiray milkiilaha lagu dheggan yahay ee Rossoneri Mr Yonghong Li, taasoo muujinaysa muhiimadda mishinka Manhattan, oo meel lagu saarayo mustaqbalka kooxda via Aldo Rossi.

Sida uu werinayo La Gazzetta dello Sport, wuxuu Mr Li wada hadal kula jiraa nin Talyaani Maraykanka ah oo uu taageerayo bankiga wayn ee Goldman Sachs, kaasoo ah 68-jir ganacsade ah oo lagu magacaabo Rocco Commisso, kaasoo asal ahaan kasoo jeeda isla magaalada Calabria ee ay kasoo jeedaan macallin Gennaro Gattuso iyo agaasimaha isboortiga Milan ee Massimiliano Mirabelli.

Mr Li oo doonaya in wada hadalka uu ku iibinayo qayb yar ama inta badan saamiga Milan muddo kooban lagusoo af jaro ayaa sidoo kale la xaajoonaya ilaa 4 nin oo kale oo ay ku jiraan qoyska Ricketts, balse iminka waxaa cad cad Commisso.

RAJO MUUQATA – Wada hadallada ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo ay waraaqaha la kala ordayaan howlwadeenka iyo qarreennada, waxaana xitaa la hadal hayaa in Khamiista soo aaddan lagu dhawaaqo heshiiska, maaddaama Mr Li laga doonayo inuu 32 milyan oo euro kusoo shubo 9-10 Luulyo, haddii kale waxaa kooxda kala wareegaysa hay’adda Elliott Management.

WAA AYO COMMISSO?

Rocco Commisso, waa maal qabeen isagoo aan dhururuq haysanin usoo dalaabay dalka Maraykanka, wuxuu iskugu yeeraa inuu yahay “ninka ka jiba keenay riyada Maraykanka dhan kastaba” wuxuu haatan haystaa $4.5bn, waana taageere Juventus oo uu dhalay oday najaar ama alwaaxle ah.

Wuxuu ninkan oo lacag badan ka tabcaday sharikadda isgaarsiineed ee Mediacom uu sidoo kale leeyahay kooxda New York Cosmos oo uu 2017-kii ka badbaadiyay inay musallifto, wuxuu xeebaha Maraykanka soo caga dhigtay isagoo 12 jir ah oo aan aqoonin hal eray oo Ingiriis ah, wuxuuse haatan ku jiraa dadka hantida haysta ee lagu xuso Forbes Megazzine.

Arrinta taageere iibsada koox la xafiiltanta midda uu taageero kuma cusba Talyaaniga, tusaale ahaan, Silvio Berlusconi wuxuu ahaa taageere Inter ah, kahor intaanu Milan iibsanin 32 sanadood ka hor.

Hadalsame Media