DAAWO: ”Waxaan jeclahay qof albaabka iga fura oo gaariga igu kexeeya” – Jawaab lama filaan ah oo ku aaddan gawaari wadista loo fasaxay haweenka Sucuudiga!

0

(Riyaad) 24 Juun 2018 – Haweenka Sucuudiga ayaa maanta oo Axad ah kusoo kallahay jidadka dalkaasi, iyagoo u dabbaal degaya dhamaadka xannibaaddii ka saarnayd inay gawaawi kexeeyaan, taasoo loo arkayay cadaadin dumarka ka dhan ah oo aan sharci ahayn.

“Waa maalin qurux badan,” ayay tiri haweenay ganacsato ah oo la yiraahdo Samah al-Qusaibi iyadoo xawaaranaysa jidadka magaalada bariga dhacda Khobar kaddib saqdii dhexe ee xalay oo ay xannibaaddu ku ekayd, iyadoo ay booliisku eegayaan. “Maanta shirka ayaan fadhinnaa, shalayna halkaas dambe,” ayay raacisay iyadoo kursiga dambe tilmaamaysa.

Waxaa in xannibaadan la joojiyay bishii Sebtembar ku baaqay Boqor Salmaan, taasoo qayb ah isbeddello ballaaran oo lagu wado inay dalkaa ka dhaqan galaan, kuwaasoo uu daba ka riixayo Amiir Maxamed Bin Salmaan oo ah wiilka uu dhalay ee kursiga dhaxlaya waloow laga lahaa.

“Waa xaqeennii oo aanu ugu dambayntii hanannay. Waqti ayay se qaadanaysaa inay bulshadu si guud u aqbasho,” ayay tiri Samira al-Ghamdi, oo ah 47-jir taqaanna cilmu nafsiga, oo gaarigeeda usii wadata shaqadeeda, iyadoo ka mid ah haween yar oo laysinka loo sii hormariyay.

Warka Samiira wax baa ka jira waayo weli waxaa jira dad ka caga jiidaya inay gawaari kexeeyaan haweenka ay qaraabada yihiin ama qoyska ka tirsan, iyagoo ka walaacsan wax ay ku sheegeen ”jidadka mashquulka ah”, waxaa ka daran in dadka diiddan ay haween ku jiraan.

“Runtii sida cad ma jeclaan doono inaan gaari kexeeyo,” ayay tiri Fayza al-Shammary, oo ah 22-jir wax iibisa. “Waxaan jeclahay inaan amiirad oo kale noqdo oo uu qof inta albaabka gaariga iga furo uu ii kexeeyo meel kasta oo aan rabo.” ayay raacisay Fayza.

Hadalsame Media