CIBAARO: Waxay u DHIGTAY cunuggii ay dhashay oo DHICIS ah, lkn maxaa dhacay? + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Juun 2018 – ”Wuxuu ahaa cunug dhicis ah, markii ay xaaskaygu dhashay, waxaan jirey shaqada, dhakhaatiirtii markii ay xaaskaygu uurka siddey xaaladdeeda la socdey baa isoo wacay, waxayna igu wargeliyeen inaan deg deg isbitaalka iskaga xaadiriyo.

Markii aan meesha tegey, waxaan arkay cunugga, waxaan noqday sidii qof ul qoorta looga dhuftay, madax xanuun baa igu soo boodey, deeto waan fariistay, oo dhakhtarkiibaa ii sheegay inay xaaskaygu iskaga dhaqaajisay.

Markii ay cunugga yar aragtay, xitaa ma aysan qabanin, tiiyoo ay jirto xaaladda uu ku jiro oo u baahan daryeel dheeri ah, waxay tiri ”ma aha cunuggayga” waana baxday iyadoo barooranaysa, iyadoo cunuggeedii oo uun iyo ALLE u baahan isbitaalka uga tagtay.

Dhakhtarkii ayaa i waydiiyay waxa aan cunugga yar ee aan dhamayska ku dhalan ka damacsan ahay, jawaabtaydu ma qaadanin hal ilbiriqsi, in ka yar ilbiriqsi anigoon laba-labeeynin, waxaan ku jawaabey…..

La soco qayb kale….

Hadalsame Media