LABA RIKOODH: Lukaku oo jebiyay rikoodh uu Maradona dhigay 32 sano kahor + Sawirro

0

(Moscow) 23 Juun 2018 – Belgium ayaa doonaya inuu boos ka qabsado wareegga 16-ka, isagoo haatan 4-1 marsiinaya Tunisia oo ay isku arkeen gegada Spartak Arena ee magaalada Moscow.


Yeelkeede, xiddigga Lukaku ayaa ciyaartaa ka sameeyay rikoodh jebin aan dhicin tan iyo 1986-kii, waayo waa xiddiggii ugu horreeyay oo koobka adduunka ka dhaliya min laba gool, laba kulan oo isku xigta, tan iyo 1986 oo uu Maradona min 2 gool ka dhaliyay England iyo Belgium.

Romello Lukaku sidoo kale haatan wuxuu noqday laacibka abid ugu goolal badnaa xulka Belgium ee uu u ciyaaro.

Wiilasha Roberto Martinez ayaa haatan shirka ka saaran guruubka G, maaddaama ay ciyaartii hore 3-0 kusoo dubteen Panama 3-0, waxaana u harsan xulka England.

Hadalsame Media