WARBIXIN: Mesut Ozil oo doonaya inuu iska bedelo lambarka uu u qaato kooxda Arsenal – Midkee doonayaa inuu u xirto Gunners?

0

(London) 23 Juun 2018 – Sida wararku ay sheegayaan Mesut Ozil ayaa doonaya inuu qaato lambarka 10-aad ee kooxda Arsenal, kaddib markii xiddiga khadka dhexe ee Jack Wilshere oo lambarkaas u qaadan jiray kooxda uu si rasmi ah uga tagay Gunners.

Horraantii todobaadkan, Wilshere ayaa xaqiijiyey inuu isaga tagayo Gunners marka uu dhammaado qandaraaskiisa dhammaadka bishaan.

Wilshere ayaa u xiranayey lambarka 10-aad kooxda Arsenal tan iyo markii Robin van Persie uu iska siibay lambarkaas markii uu ku biiray Manchester United bishii Agoosto sanadkii 2012-kii.

Sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail, Ozil ayaa haatan doonaya inuu xirto lambarka 10-aad ee Gunners kaasoo uu banneeyey Wilshere.

Ozil ayaa u xiran lambarka 11-aad ee kooxda Arsenal tan iyo markii uu kaga soo biiray adduun dhan 42.5 milyan oo gini naadiga Real Madrid sanadkii 2013-kii, laakiin xiddigan khadka dhexe ayaan wax qarsoodi ah ka dhigin inuu doonayo inuu xirto lambarka 10-aad ee Gunners.

Ozil ayaa u xirta xulkiisa qaranka Jarmalka lambarka 10-aad, halka sidoo kale uu lambarkan xiran jiray intii lagu guda jiray waqtigiisii kooxda Real Madrid.

Dhowr ciyaaryahan oo kooxda Arsenal ah ayaa laga bedelay lambarada ay kooxda u qaadan jireen, lambaro cusub ayayna kooxda u xiran doonaan xilli ciyaareedka cusub.

Hector Bellerin ayaa xiran doona lambarka 2-aad ee kooxda, halka goolhaye Petr Cech la siiyey maaliyadda lambarka 1-aad, Mohamed Elneny ayaa qaatay lambarka 4-aad, halka Ainsley Maitland loo dalacsiiyey lambarka 15-aad.

Dhinaca kale saxiixa cusub ee kooxda Arsenal, Stephan Lichtsteiner ayaa la siiyey lambarka 12-aad.

HADDABA HALKAAN HOOSE KA EEG XIDDIGA LAMBARKA 10-AAD U SOO XIRTAY TAARIIKHDA KOOXDA ARSENAL:-

Jack Wilshere | 2012/13 – 2017/18

Robin van Persie | 2010/11 – 2011/12

William Gallas | 2006/07 – 2009/10

Dennis Bergkamp | 1995/96 – 2005/06

Paul Merson | 1988/89 – 1994/95

Kevin Campbell | 1991/92

Gus Caesar | 1989/90

Perry Groves | 1986/87 – 1989/90

Charlie Nicholas | 1983/84 – 1986/87

Ian Allinson | 1986/87

Tony Woodcock | 1982/83 – 1985/86

Raphael Meade | 1984/85

Brian McDermott | 1980/81 – 1982/83

David Price | 1979/80

Frank Stapleton | 1977/78

Hadalsame Media