”Waxaan la ilmeeyay wixii aan arkay” – Intisaar Saalax

0

(Nairobi) 23 Juun 2018 – Ilmadeydu ma aysan nusqaamin oo kalama go’in waayo waxaa dareenkeeyga taabanayay muuqaal aan daawanayay!!.

 

Ma aha wax kale waxa aan la ilmeeyay, sababtu waxey ahayd jacaylka aan xaddiga lahayn ee ay u haysay xaajigeeda allaha unaxariistee. Tan labaad waxey aheyd sida ay sheegtay nolosha ay heysatay mid farxad iyo jaceyl ku dhisan iyo isku qanacsanaan.

Arinka kale ee aadka ii taabtay wuxuu ahaa ”shaarkiisa ayaan ka carafsadaa barafuunkiisa iyo dhididkiisa!!”

Qofka ay dhididkiisa shaarka ka dugaashaneyso Waa saygeeda oo aan aan dunida joogin oo geeriyooday. Waa wax aad u qariib ah balse muujinaya dareenka jacayl ee dhabta ah ee ay xaajigeeda u haysay.

Sidoo kale Jaakadii uu maalintii arooskooda uu xirnaa iyo kabihii ayay xusuus ahaan u haysataa! Ilaahey qalbigeeda ha u qaboojiyo kuwa aakhiro jannada isku helana allaha ka dhigo Waa inta kaliya ee aan u awoodno in aan gabadhaas walaasheen ah aan ku caawinno.

Wiilka ay sheekadani khuseeyso waxaa lagu eedaynaa inay dulmi ah u dileen ciidamada nabad sugidda ee dowladda Somalia.

Qore: Intisaar Saalax Xuseen

Hadalsame Media