WAA LAGU DILI DOONAA! Nin saadaal ciyaareed oo uu sameeyay BAXAR ku galay! (Maxaa dhacay?)

0

(Moscow) 22 Juun 2018 – Muusikiiste Ruushan ah iyo barnaamij soo saare idaacadeed ayaa araaji codsi ah lagu hafiyay kaddib markii uu si sax ah u wada saadaaliyay labadii kulan ee uu xulkiisu ka kala badiyay xulalka Sucuudiga iyo Masar oo uu waliba goolasha saxay.


Igor Danilov, oo magaca Jin Dagon ku gala Twitter-ka, ayaa baraha bulshada caan ka noqday kaddib markii uu si kaftan u soo qoray inay 5-0 kaga badinayaan Saudi Arabia, deetana ay 3-1 ku garaacayaan Masar, kahor inta aysan 1 gool oo soo daahay daqiiqadda ugu dambaysa uga badin Uruguay.

Yeelkeede, ninkan ayaan khabar fiican kaliya ka helin arrintan uu caanka ku noqday, waayo qolooyin ku kaca dembiyada abaabulan ayaa ku sharatami kara shaadaashiisa oo ay laba rumoowdey midina weli harsan tahay.


“Waa lagu dili doonaa, haddii aysan Russia 1-0 uga badinin Uruguay. Ma fahmi kartaa inta qof ee sharad ku dhigatay warkaas?” @v_kuramshin ayuu nin aan la aqoonin kusoo qoray Twitter.

Hadalsame Media