”Messi waa RI’, maya ee waa ‘LAX” – Twitterati-ga oo ku kala qaybsamay arrin qosol badan!

0

(Novgorod) 22 Juun 2018 – Internet-ka ayaa waxaa mar qura is qabsaday dood ay dadka qaar ugu garaabayaan qaarna ay ku maagayaan laacibka wayn ee Lionel Messi oo ay nasiib darro ka haysato ciyaaraha caalami, isagoo xalay guuldarro bahdil ahayd oo 3-0 ah kala kulmay Croatia oo xulkiisa ku naafaysay Nizhny Novgorod.


Kuwo dhib badan ayaa soo qoray in Messi yahay xiddigga ugu wanaagsan (wayn) abid oo ay u qoreen GOAT oo laga soo gaabiyay greatest of all time, balse maaddaama uu eraygaasi noqonayo RI’ ayay kuwo kale yiraahdeen maya ee waa ”LAX” iyagoo qaba in darajada GOAT uu u qalmo Ronaldo oo wacdaro ka dhiganaya KA2018.


Kuwo kale oo kasoo horjeeda jaa’isada GOAT ayaa ku dooday in Messi uusan door hoggaamineed ku lahayn xulka dalkiisa, oo uu maqan yahay marka loo baahan yahay.


Hadalsame Media