LABA FAL OO KALA FOG: Marwada Koowaad ee Maraykanka oo dirtay ”FARRIIN” ay dad badani karaahiyaysteen (Daawo)

0

(McAllen) 22 Juun 2018 – Marwada Koowaad ee dalka Maraykanka ee Melania Trump ayaa dood ka kicisay baraha bulshada kaddib markii ay samaysay 2 fal ay dadka qaar ku fasireen inaysan is qaadan karin.

Marwada Koowaad ayaa shalay u duushay McAllen, Texas, halkaasoo uu Maraykanku meel xero askareed oo kale ah oo ay xaaladdeedu aad u liidato carruur uu kala haray waalidiintood oo xadka kasoo tillaabay iyagoo nolol raadis ah.

Yeelkeede, Melania oo booqashadeeda ay dad badani u arkayeen mid ay hiillo iyo dareen ugu muujinayso carruurtaasi ayay wax badani iska bedeleen oo ay doodi ka timid inuu dhab yahay dareenkaasi ay muujinayso kaddib markii jaakad $40 doollar joogta oo ay kasoo iibsatey dukaanka silsiladda ah ee Zara oo ay dhabarka uga qoran tahay “Runtii dan kama lihi, ma adigaa ka leh?”, waloow la sheegay inay markii dambe iska dhigtay.

Dad kale ayaa qaba inay warkaasi ku shidanaysay saxaafadda, sida uu duqeedu ku micneeyay, laakiin taasi waa tafsiir aysan dad badani iibsanin maaddaama aysan jirin ismari waa ballaaran oo iyada kala dhexeeya saxaafadda Maraykanka.

Halkan hoose ka DAAWO…


Hadalsame Media