Kufsiga Hablaha oo ku badanaya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

0

(Muqdisho) 22  Juun 2018 – Waxaa soo baxaya wararka naxdin leh oo ku saabsan in haween Soomaaliyeed lagu kufsadey wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaana arrintaasi ay abuurtay walaac cusub iyo dareen cabsi leh.

Xildhibaano ka tirsan guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey halista arrintaan iyo tacadiyaddii ugu danbeeyey ee ka dhacay jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo oo ay sheegeen inuu hadda noqday bahalo galeen.

Gobolka Shabeellada Hoose oo tacadiyadaan intooda badan ka dhaceen ayaa waxaa ka dhaca dagaalo joogta ah u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale ka jira xiisado colaad sokeeye uu dhaxeeya labo beelood gobolkaasi ku wada nool.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan Magaaladda Buur-Hakaba ee gobolka Bay kaa oo diiday in Magaciisa la xigto ayaa u sheegay Hadalsame Media in ugu yaraan 20 haween Soomaaliyeed lagu kufsadey inta u dhaxeysa Afgoye iyo Buur-hakabo labadii asbuuc ee la soo dhaafey.

“Waa jirtaa arrintaas waxaana la hayaa xaqiiqooyin iyo in falalkaani gurracan ay ku lug-leeyihiin kooxo burcad ah oo jidka u gala gaadiidka dadweynaha ee ku safraya wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo Baydhabo,”ayuu yiri sarkaalkaani

Xildhibaan Qaasim Mogow Cabdalla oo ka mid ah guddiga xuquuqul insaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in haween u badan sida uu yiri gabdho yar yar lagu kufsadey gobolka Shabeellada Hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa Afgoye iyo Buur-Hakaba.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Hablahaan lagala degay gaadiidkii ay ku safrayeen iyadoo ay darawaladda gaadiidkaasi aysan awood u laheyn inay badbaadiyaan dhibanayaasha waxaana uu ugu baaqey dowladda Soomaaliya in si deg deg ah ay tacadiyadaasi wax kaga qabato.

Qaar ka mid ah askarta dowladda Soomaaliya ee ka hawlgala gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu eedeeyey inay qeyb ka yihiin tacadiyadaan foosha xun.

Hadalsame Media