Xagee Marayaa muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya?

0

(Muqdisho) 20 Juun 2018 Danjireha Soomaaliya u qaabilsan Midawga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay billaaban doonto sanadka fooda nagu soo haya ee 2019.

Isagoo faafaahin ka bixiyay xiliga sida rasmiga ah ay u bilaabaneyso dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayuu Mr. Fiqi shacabka Soomaaliyeed u sheegay in Kiiskaani yahay mid ahmiyad u leh Soomaaliya.

Madaxwayneha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka jawaabeyey Suaalo uu weydiiyey wariye ka tirsan SNTV ayuu sheegay in Kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka furan yahay dalka Holland islamarkaana Soomaaliya u dirsaday qareeno caalami ah kuwa Soomaaliyeed oo aqoon sare u leh arrimaha dooda taagan.

Maxkamadda ayaa la filayaa in kiiskaan ay dhageysato sanadka dambe ee 2019.

Safiir Fiqi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay horay u diiday in murankaasi lagu xaliyo si hoose.

Hadalsame Media