Norway oo RW Khayrre ku qabsatay arrin la xiriirta Dugsi Qur’aannada Somalia!

0

(Losby) 20 Juun 2018 – Hilin wareedka NRK ayaa daboolka ka qaaday wax ay ku sheegeen in carruurta Somali-Norwegian-ka ah ee Somalia booqda la geeyo dugsiyo Qur’aan, halkaas oo ay sheegeen in loogu gaysto ciqaab jireed sida garaaca.


RW Somalia Xasan Cali Khayrre oo ka jawaabayay su’aasha NRK ayaa sheegay inay arrintan isla soo qaadeen dowladda Norway.

“Waxaan bilownay baaritaan arrintan ku saabsan, waxaana qaadaynaa tillaabooyinka daruuriga ah si aannu u hubinno badbaadada carruurta meel kasta oo ay joogaan Somalia iyo Norway,” ayuu yiri Khayre, oo shir jaraa’id ku qabanay Madasha Nabadda Oslo ee Losby.

Warsidaha NRK ayaa markale sii qod qoday isagoo ku celiyay inuu bal cayimo waxa ay yihiin tillaabooyinka daruuriga ah oo ay ilaa haatan qaadeen, wuxuu RW Khayrre ku jawaabey.

“Ilama aha inay dabiici tahay inuu Raysal Wasaare ka sheekeeyo kiis gaar ah oo baaritaan ku socdo. Waxaan xiriir joogto ah leennahay dowladda Norway, marka baaritaanku dhamaadana, waxaan arrintaa la wadaagi doonnaa dowladda Norway.”

Khayrre ayaa isagoo qaxooti ah sanaddii 1980-kii yimid, balse haatan waa Wasiirka Koowaad ee Somalia tan iyo Abriil 2017, wuxuuna wada haystaa dhalashooyinka Somalia iyo Norway.

RW Somalia ayaa NRK u sheegay in ay dhacayaan isbedello wanaagsan oo dhanka Somalia ah isagoo tilmaamay inay doonayaan inay abuuraan degganaan siyaasadeed iyo mid dhaqaale si uu diifta uga soo kabto dalkaa dagaallada ka daaley.

Hadalsame Media