Mareykanka oo ka baxay Golaha Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobey.

0

(Muqdisho) 20 Juun 2018 – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in gebi ahaanba ay isaga tagtay xubinimadeedii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey.

Go’aanka Mareykanka ayaa la xariiray qaraaar dhawaan Goluhu isku raacey intiisa badan kaa oo ka dhan ahaa dowladda Israa’iil oo Tacadiyo ba’an ku heysa Falastiiniyiinta.

Nikki Haley oo ah safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobey ayaa ku eedeysay Golaha Xuquuqda Aadanaha mid ka fog xiligaan dhexdhexaadnimadda sida ay sheegtey.

Waxa ay ku doodey in mar walba Goluhu ka eexdo Israa’iil.

Mareykanka ayaa dhawr mar codka qayaxan ku diiday qaraaro ka dhan ahaa Israa’iil oo la horgeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Donald Trump, Madaxwayneha Marekanka ayaa u aqoonsaday Magaaladda Qudus  inay noqoto Caasimadda Israa’iil waxaana tallaabadaasi ka careysiiyey dunida Muslimka iyo guud ahaan inta badan dalalka Midawga Yurub.

Hadalsame Media.