”Waxaa la is raaciyay Ethiopia, Somalia, Djabuti, Sudan & Eritrea” – Akhri warbixin si qoto dheer u taabanaysa dhinacyo badan!

0

(Hadalsame) 19 Juun 2018 – Dowladaha Africa markii ay dib u bixin waayeen deemo lagu lahaa oo kor u dhaafaaya 80 billion dollar, markii la arkay lacagihii deeqaha ahaa ay intooda badan ku dhaceen jeeb gaar loo leeyahay, markii la arkay maamul xumo, dagaalo sokeeye, gaasho iyo baa’ba ayku sugan tahay qaar ka mid ah dowladaha Africa, waxaa qasab ku noqotay aduunka inay la yimaadaan qorshe cusub oo waxka badali kara arimahaas kor ku xusun oo wax badan ka badali kara Nabada iyo Dhaqaalaha.

Daraasaad dheer ka dib waxay hay’adaha aduunka iyo dowladaha waaweyn ay la yimaadeen qorsho cusub oo horey uga soo shaqeeyay South America hadana la doonaayo in wax looga qabto Africa, wagii hore waxaa jirta in Africa loo qaybin jiray 5 qaybood oo kala aha: 1) Northern Africa. 2) Westren Africa. 3) Central Africa. 4) Eastren Africa. 5) Southren Africa.

Marka dhankasta laga eegay waxaa la ogaaday in Eastren Africa ay ugu dhibaato badan tahay, dhanka gaashada, maamul xumadda, dagaalka, horumarkasta ay ka hor istaagayaan deganaasho la’aanta siyaasadeed. Taas awgeed waxaa qasab noqotay in Eastren Africa loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah 1- Great Horn of Africa. 2- Great Lakes of Africa.

a) Great horn of Africa waxaa lees raaciyay 5 dowladood oo kala ah Ethiopia, Somalia, Djabuti, Sudan and Eritrea.

b) Great lakes of Africa, waa inta dowladood oo Lake Victiria maro, kuwasoo kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda and Brundi.

Qorshahaan waxaa la qoray mudo hada laga joogo 35 sano, dhaqan galkiisana waxaa la gaaray hada, hadaba muxuu yahay qorshaha? meelaha ugu dhibka badan ee Africa waxay noqotay Great Horn of Africa, Somalia waxaa ka taagan dagaal, Ethiopia waxay ku dhawaatay dagaal, Sudan waxay u kala go’day labada dal oo aan sal badan ku taagnayn, Eletareia iyo Jabuuti labadaba ma laha Madaxwayne ku xigeen oo xukunka wuxuu ku kooban yahay shaqsi oo labadaas dalba xuduudkooda ay joogaan dowlado kala ilaaliya oo marar badan isku dhawaaday inay isku dhacaan, qorshahaan ma fuli karo ayadoon siyaasadaha dalalkaas wax laga badalin si ay ula qabsadaan ama uga fa’ideeystaan qorshahaan lagu kobcinaayo dhaqaalaha Geeska Africa sida ay qabaan dadka qorshahaan dejiyay, kamana marna inay ayagaba ay leeyihiin dano u gaar ah.

Fiiro gaar ah: Qorshahaan waa mid kaliya ee loogu tala galay kobcinta dhaqaalaha iyo is dhex gelaka dhaqaalaha (Economic integration) ma aha ma aha is dhex gal siyaasadeed (Political intergration) waxay dalkasta ku heshiinayaan inay iska kaashadaan caqabadaha hor istaagi kara ganacsiga sida canshuuraha, is dhaafsiga gacansiga oo uu si xur ah isku dhaafo(free flow of goods or services)

Waxaan rabaa walaalaha Soomaaliyeed inay fahmaan maanta aduunka lagu nool yahay ma jiro dal kaligiis kooni u istaagi kara, dhaqaalaha aduunka wuxuu noqday mid iskuwada xiran hadaadan la qabsanin waxaa hubaal ah inaann dib ugu dhici doono aduunka. Anigoo og niyadana ku haayo in dalkeena uu ka soo kabanaayo 30 sano oo bur bur ah, hadana waa marka ugu fiican ee dib u habeyn lagu sameyn karo dhismaha dhaqaalaha dalka waayo wax dhisan oo badal u baahan ma jiraan taas awgeed waa inaan la imaanyaa fikir Soomaaliya ay ku noqoto DAYAXA AFRICA.

Heshiiska Ethiopia iyo Soomaaliya waa biloow dowlado badan ay soo raaci doonaan sidaan horey idinkugu sheegay, hadii loo helo qorshahaan dad Soomaaliyeed ee aqoon iyo waayo aragnimo u leh arimahaan waxaa hubaal ah dadka ka fa’ideeysan doono ay yihiin Soomaaliya, sababo badan awgeed oo hada aan diyaar u ahayn inaan afka ku dhufto waayo waa alad u dalkeena Soomaaliya u isticmaali karo inuu guuleeysto.

Qorshahaan Ethiopiana wayku qasban tahay Soomaaliyana way ku qasan tahay waayo labada dalba ma hayaan lagac ay ku fuliyaan qorshahaan. Waxaan walaalaha Soomaaliyeed ka codsanayaa inay cabsida iska dhaafaan waayo 1000 sano baa wax nalaga qaadi waayay, hadii aanu midoowno waxaa hubaal ah in aan ku filanahay ilaalinta madaxbanaanida dalkeena iyo dadkiisa. Inshalaah.

Qore: Sheekh Nuur A Qaasim

FG: Maqaal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media