Milan oo saaka la saaray maxkamadda UEFA (Go’aanka oo la sugayo 48-72 saacadood gudohood)

0

(Nyon) 19 Juun 2018 – Waxaa mar dhow soo idlaatay dhegeysiga dacwadda Milan oo hor tagtay garsoorayaasha UEFA oo maxkamad yar u sameeysay kooxaha ku tunta xeerka dhaqaale wanaagga FFP, waxaana meesha tegey wefdi ka socdey AC Milan, sida uu sheegayo Sky Sport.


Kulanka oo bilowday 9-kii subaxnimo ayaa saacado socdey, wuxuuna yimid kaddib markii Milan loo wada diidey heshiiska mutadawacnimada iyo midka xeer jajabka ah labadaba, waxaana Agaasimaha Guud ee Milan, Marco Fassone Nyon  ku wehlinayay Valentina Montanari (agaasimaha dhaqaalaha) iyo Roberto Cappelli (qarreen iyo la taliye), halka dhanka UEFA ay ka socdeen 3 garsoore.

Milan ayaa UEFA u bandhigtay inay wax kasta kala cad yihiin, iyagoo sidii la filayay aan gaynin magaca xubinta cusub ee kusoo biiraysa milkiyadda kooxda heshiiska oo aan weli dhamaanin dartii, yeelkeede, gudbiyay damaanad qoran oo ka timid shirkadda Elliott Management taasoo ay ku caddahay in aysan kooxdu meel cidlo ah kusoo dhacaynin haddii lacalla uu wadi waayo Mr Li oo ilaa hadda markasta bixinayay lacagta kooxda lagu wado.

Go’aanka ayaa la sugayaa Jimcaha ama todobaad dhamaadkan, iyadoo haddi Milan lagu rudo xukun adag sida in laga eryo Europa League ay rafcaan u qaadanayso maxkamadda cadaaladda isboortiga ee Lausanne TAS iyadoo la hor tegeysa sida aysan UFEA Yurub uga eryin kooxo iyada kasii darnaa marka ay timaaddo dhanka qaamaha iyo duruufaha dhaqaale.

Hadalsame Media