DHEGEYSO: Buubaa oo ”kashifay” magacyada afarta dekedood ee ay Itoobiya ”maalgashanayso” (Warkiisa oo tuhun badan sii abuuraya)

0

(Hargaysa) 19 Juun 2018 – Waxaa 16-kii bishan Muqdisho ka degey Wasiirka Koowaad ee Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali, kaasoo halkaa kula kulmay madaxda ugu sarreeysa dalka Somalia.


Haddaba, siyaasiga iyo diblomaasiga ruug caddaaga ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa oo tan iyo mar aan dheerayn ka tirsanaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wax badanna kala socda siyaasadda caalamka ayaa ka aragti dhiibtey sida uu u arko heshiiskan, wuxuuna muujiyay ama dhabeeyay tuhun badan oo ku jira shacabka, isagoo xitaa carrabaabay kuwa ay noqon karaan afarta dekedood ee ku xusan heshiiskan is af garadka ah.

Waxaa kaloo qaabka uu u hadlayo Buubaa ka muuqata sida uusan u jirin wax qorshe ah iyo aragti ay inta badan leeyihiin siyaasiyiinta casrigan hor boodaysa Soomaaliya, balse ay kaliya diyaar u yihiin wixii loo akhriyo.

Su’aashu waa yaa u qishay isaga maadaama aan dekedaha la tiriyay aan heshiiska lagu xusin? Hurre Buubaa haatan wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga Waddani xilligaana u warramayay hilinka Bulsho TV halkan hoose ka dhegeyso.

 

Madaxtooyada Somalia ayaa kulan aad u gaanbaa kaddib laga soo saaray 16 qodob oo la sheegay inay isku afgarteen labada dal ee Somalia iyo Ethiopia, waxaana heshiiskan loo arkay siyaabo kala geddisan, iyadoo inta badan dadka waxgaradka ihi ay tuhun ka qabaan ugu yaraan qaabka uu u qoran yahay iyo degdegta lagu saxiixay iyadoo uusan muuqan kulan dheer oo dhacay si looga doodo tibxaha heshiiska.

Waxaa kale oo heshiiska ka muuqanaysa inuu inta badan ka tarjumayo dan Itoobiya ka maqnayd oo ay heleeyso sida bad iyo dekedo kuwaaso ay xitaa saami ku yeelanayso, lkn kama muuqdaan adeegyada ay Somalia ka heleeyso dhanka Itoobiya.

 

Hadalsame Media