DEG DEG: Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Muqdisho kasoo degey (TOOS U DAAWO)

0

(Muqdisho) 16 Juun 2018 – Waxaa goow dhowayd magaalada Muqdisho kasoo degey Wasiirka Koowaad ee Itoobiya Abiy Ahmed, isagoo la kulmaya madaxda sare ee dalka.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa RW Ahmed kusoo dhoweeyay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde isagoo haatan halkaa salaan uga qaadanaya unug ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka. Halkan ka DAAWO…

Amaanka Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay iyadoo la xirey jidadka Muqdisho, waxaana halkaa lagu xardhay calamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Md Ahmed ayaa tan iyo kaasoo beryahan booqashooyin ku kala bixinayay dalal ku yaalla gobolka, isagoo muujinaya siyaasad ka furfuran middii hore ee dalkiisu ku socdey.

Wixii warar ah oo kasoo kordha booqashada kediska ah ee uu RW Ahmed maanta ku yimid magaalada Muqdisho Hadalsame ayaa kaa haqabtiri doona haddii Alle idmo.

Hadalsame Media