Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Muqdisho kusoo fool leh + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Juun 2018 – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo fool leh Wasiirka Koowaad ee Itoobiya Abiy Ahmed oo mar aan fogayn xilkaasi loo magacaabay.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in RW Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa la sheegayaa inuu isagu casuumadda u fidiyey dhiggiisa Itoobiya Md Abiy Ahmed si ay uga wada hadlaan arrimo kala duwan oo dalka iyo gobolka taabanaya.

Amaanka Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay iyadoo la xirey jidadka Muqdisho, waxaana halkaa lagu xardhay calamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Md Ahmed ayaa tan iyo kaasoo beryahan booqashooyin ku kala bixinayay dalal ku yaalla gobolka, isagoo muujinaya siyaasad ka furfuran middii hore ee dalkiisu ku socdey.

Hadalsame Media

Facebook Comments