SERIE A: Horyaalka Talyaaniga oo lagu iibiyay qiimihii ugu badnaa abid (Ka bogo sida loo kala helay xirmooyinka)

0

(Roma) 13 Juun 2018 – Horyaalka Xirfadleeyda Kubadda Cagta Talyaaniga ee Serie A ayaa maanta waxaa iibsadey 2-da hilin ee Sky Italia iyo Perform, 3-da fasal-ciyaareed ee kala ah 2018/2019, 2019/2020 and 2020/2021, iyadoo la rajaynayo inay xal ka gaari doonaan inaan dadka lagu khasbin inay laba box iibsadaan.

 

Xuquuqda baahinta iyo qaybinta Serie A TV ayaa marka la isu geeyo sanadkii dhali doonta  €1.4bn waana koror dhan 20% sida uu qabo madaxwaynaha Lega Serie A Lega Serie A jaalle Micciché. Haddaba ka bogo sida loo kala leeyahay xirmooyinka.

– SKY Italia: Waa 5 XIRMO oo maqal iyo muuqaal ah oo ay ku jiraan 3 ciyaarood maalintii, oo ay ku jiraan ciyaarta fiidnimada Axadda:

– SKY Italia: Waa 6 XIRMO oo maqal iyo muuqaal ah oo ka kooban 4 ciyaarood maalintii, oo ay ku jiraan ciyaaraha dhacaya fiidnimada Isniinta.

– PERFORM: Waa 7 XIRMO oo maqal iyo muuqaal ah oo ay ku jiraan 3 ciyaarood oo maalinta ciyaareed ah, waxaana ka mid ah ciyaarta la dib dhigayo habeenka Sabtiga.

3-daa xirmo ayaa maxalli ahaan lagu iibiyay €973.3 milyan oo euro, iyadoo marka la wada saaro Koobka Talyaaniga, iyo Super Coppa Italianna ay lacagtu gaarayso €1.4 bilyan oo euro. “Tani waa aqoonsi muhim ah oo loo muujinayay kubadda cagta Talyaaniga” ayuu ku faanay madaxwaynaha Lega Serie A Gaetano Miccichè oo sheegay inuu horyaalka Talyaanigu soo ceshanayo xiisihiisii caalamiga ahaa.

 

Hadalsame Media