3 dal oo qura ayaa ilaa hadda Somalia kaalmo toos ah siiya! (Waa kuwee?)

0

(Muqdisho) 13 Juun 2018 – Dalka Somalia ayaa ballan qaadyo dhaqaale mar kasta ka hela dalal badan oo la baxay magaca dalalka ”deeqda bixiya” oo ah magac u yaal laftiisu ujeeddooyin badan leh, waxaana yar dalalka kasoo dhalaala magacaasi.

Haddaba, warsidaha Hadalsame ayaa fahamsan in dalalka miisaaniyadda ka kaba dowladda Soomaaliya, kuwaas oo aad uga yar kuwa sheegta inay kaalmeeyaan dalka.

Tusaale ahaan, 3 dal ayaa kaalmo toos ah siiya dowladda dhexe ee Soomaaliya waana dalalka Norway, Turkey iyo dhowaantan, oo ay kusoo biirtay dowladda Qadar, waxaa sidoo kale ballan qaad noocaas ah sameeyay Midowga Yurub, halka Maraykanku uu sheegay inuu joojiyay kaalmo uu siin jirey qiyaastii 300 askari oo Soomaali ah.

Dalka Somalia ayaa si tartiib tartiib ah ugasoo kabanaya burburkii daashaday mudada dheer, iyadoo waloow aysan weli is raacin dowladnimada dalku ay misna rajadu fiican tahay oo ay dowladiba woxoogaa ku dareeyso. Miisaaniyadda dalku waa $274m oo doollar.

 

Hadalsame Media