RASMI: Fernando Hiero oo loo magacaabay xulka Spain & Lupetigui oo la eryey

0

(Madrid) 13 Juun 2018 – Kabtankii hore ee Real Madrid iyo xulka Spain, Fernando Hiero, ayaa loo magacaabay in uu tababaro xulka qaranka Spain koobka adduunka ee berri furmaaya.

Macallinkii xulka, Julien Lupetigui, ayaa shaqada laga eryay kadib markii uu shalay heshiis la gaaray kooxda Real Madrid.

Xiriirka kubadda cagta Spain, ayaa sheegay in heshiiskaasi aanan lagu wargelinin, sidaas darteedna ay u qaateen go’aankan waliba xilli adag oo uu koobka billaaban doono.

Waxaa laga yaabaa in ciyaartoyda Spain ay saameyn ku yeelato macallin kala-beddelidda, maadaama waqti dhow koobka adduunka uu billaaban doono.

Ibrahim Geddow Awale

Hadalsame Media