”WAAN KU DILAYAA”: Salman Khan oo ay naftiisu khatar ku jirto!!

0

(Mumbai) 13 Juun 2018 – Maalmo kadib, Jilaaga caanka ah ee matala filimada Bollywood-ka Salman Khan ayaa caga jugleen kala kulmay gangster-ka reer Rajasthan, Lawrence Bishnoi.

“Salman Khan waxaa lagu dili doonaa halkaan, Jodhpur… Kadib wuu ogaan doonaa aqoonsigayaga saxda ah,”  Bishnoi ayaa sidaa yiri iyadoo loo waday maxkamada Jodhpur.

Inkastoo Salman Khan uu ku laabtay Mumbai, hadana waxaa weli socda handadaada loo geysanayo. Maalinta Arbacada een soo dhaafnay, Booliiska Mumbai ayaa joojiyay matalida filimka Race 3, Salman Khan waxaa la geeyay gurigiisa oo ku yaala Bandra.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Mumbai Mirror, “Booliisku wuxuu yimid goobta lagu matalayo filimka Race 3, waxay u sheegeen Salman iyo soosaaraha filimka  Ramesh Taurani in ay si deg deg ah u joojiyaan sameeynta filimka. Salman waxaa lagu qaaday gaari iyagoo ay la socdaan lix Booliis, halka Gaarigiisa ay kaxeeynayeen koox kale oo Booliis ah.”

Sarkaal sare oo Booliiska kamid ah ayaa ku wargeliyay Salman inaanu Baaskiil ku kaxeyn magaalada, lana wadaagin baraha bulshada halka uu ku sugan yahay.

Salim Khan oo ah Salman Khan aabihiis ayaa sheegay inaanu ka war hayn goorta uu wiilkiisu kasoo tegay matalida filimka, wuxuuna sheegay inuu Salman haysto koox ilaala ah oo wanaagsan.

Ma’aha markii ugu horeysay ee Salman loo hanjabo, waxaa jiray dhowr jeer oo horay loogu hanjabay.

Mohamed Ahmed Sheikh

Hadalsame Media