SAWIRRO: Kim Jong-Un oo aan wax ku saxiixin qalinkii loogu tala galay! (Maxaa dhacay ilbiriqsigii ugu dambeeyay?!)

0

(Singapore) 13 Juun 2018 – Dowladda North Korea ayaa ku dhaqaaqday tillaabo loo qaatay mid ay ku muujinayso cabsida ay ka qabto in sirteeda la helo – oo la basaaso – kaddib markii ilbiriqsigii ugu dambeeyay qalinkii uu wax ku saxiixay loo bedeley Kim Jong-un oo heshiis hordhac ku saxiixay Singapore.

Isla markii uu Kim u fariisan lahaa inuu heshiis wada jir ah la saxiixdo dhiggiisa Maraykanka ee Donald Trump oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, ayaa waxaa soo istaagaya nin ka mid ah ilaaladiisa oo xiran gacmo gashi caddaan ah isagoo qaadaya qalinkii loogu tala galay Kim.

Deeto, marka ay qolka soo galaan Kim iyo Trump, walaasha Kim oo la yiraahdo Kim Yo-jong, ayaa soo hormaraysa iyadoo walaalkeed u dhiibaysa qalin kale oo ay kasoo saartay jeebka jaakaddeeda, waxaana arrintan lagu micneeyay cabsi ay ka qabaan in wax laga ogaado caafimaadka Kim oo ah sir qaran oo aad loo dhowro, inuu jeermiska ka boqo, inay sidooda kale qoonsi (paranoia) u qabaan iwm.

Waana qalinkaa midka uu Kim ku saxiixay heshiis uu ku ballan qaaday in uu dalkiisa Woqooyiga Kuuriya diyaar u yahay inuu ka tanaasulo hubkiisa nukliyeerka, si uu xiriir wanaagsan ula yeesho Maraykanka.

Hadalsame Media