(Moscow) 13 Juun 2018 – Waxaa maalinta ah Khamiista ah ka furmaya dalka Ruushka ciyaaraha Koobka Aduunka oo ay isku arkaayaan ilaa 32 dal.
Nestor Pitana oo u dhashay Argentina ayaa loo xushay inuu garsooro ciyaarta dhexmari doonta xulaka Saudi Arabia iyo Russia.
Waxaa caawin doona Juan Pablo Bellati iyo Hernan Maidana, Garsooraha dhanka Video-ga waxaa noqon doona Massimiliano Irrati oo u dhashay Talyaaniga.
Mauro Vigliano oo Argentina ah, Carlos Astroza oo Chile ah iyo Daniele Orsato, oo Italy u dhashay ayaa iyana kamid ah garsoorayaasha dhanka video-ga VAR ka saacidi doona.
Nestor Pitana ayaa noqonaya garsoorihii labaad oo Argentina u dhashay, kana qeyb galay laba koob aduun. Waxaa kaga horeeyay Norberto Coerezza, oo ka qeyb galay laba koob aduun 1970 iyo1978.
Mohamed Ahmed Sheikh
Hadalsame Media