Nabil Fekir oo doortay lambarkii uu u xiran lahaa kooxda Liverpool ka hor inta uusan burburin heshiiskii uu ku imaan lahaa Anfield

0

(Liverpool)  11 Juun 2018 – Weeraryahanka kooxda Lyon ee Nabil Fekir ayaa la soo warinayaa inuu doortay lambarka maaliyadda uu u xiran lahaa Liverpool ka hor inta uusan burburin heshiiskii uu ku imaan lahaa garoonka Anfield.

Reds ayaa ku dhawaatay inay la wareegto wiilka reer France iyadoo xitaa la wariyey inuu tijaabada caafimaad u maray, balse heshiiska ayaa burburay goor dambe.

Wargeyska L’Equipe ayaa warinaya in Liverpool ay u ogolaatay Fekir inuu doorto lambarka funaannada ee uu doonayo inuu kooxda u qaato.

Warbixintu ma muujinayso lambarka Fekir uu doortay, laakiin lambarka 10-aad eeweli aan laga qaadan garoonka Anfield oo bannaan ayaa loo badinayaa inuu yahay lambarka uu doortay Fekir.

Hadalsame Media