DAAWO: ”Derejo, aqoon & shahaado midna ma hayside baskaa xunka ah wad” – Haweenay weerar qallafsan ku qaadday darawal Soomaali loo malaynayo!

0

(London) 11 Juun 2018 – Waa dhacdo foolxun oo ay haweenay rakaab ihi aflagaaddo ugu hal-haleeynayso darawalka bas ka mid ah gaadiidka dadwaynaha London oo albaabka lagasoo galo si kama’ ah uga xirey. Halkan ka DAAWO

Gabalkan muuqaalka ah, ayaa duubay qof ka mid ah socotadii jidka, waxayna haweenayda oo ka carootey albaabka laga xirey dawaralka ugu qaylinaysaa si xadka ka baxsan, waxayna iyadoo ag taagan darawalka ku qaylinaysaa ‘Wad uun baska, iyo shaqadan yar ee waalan ee aad hayso’

‘Weligaa nolosha wax guul ah kamaad gaarin. Wax derejo ah ma lihid’ ayay u raacisay. ‘Shahaado ma lihid, aqoon ha sheegin, waxba ma haysid. Waan ku aqaannaa.’ ayay tiri.

Darawalka ayaa isagoo aamusan daawanayay haweenayda qaylinaysa iskeedna usii xanaaqaysa. ‘Wax booliiska iyo cid kasta, kalama jecli’ ayay tiri jeer uu basku iska taagan yahay saldhigga Broadway Station.

Waxaa la sheegay in ay booliisku jidka kusoo jireen, balse ay bun ku kala badbaadeen maaddaama ay qabsatay bas kale oo 280 ah oo soo gadaal istaagey baska darawalkii ay maagaysay, oo ay dhici karto inuu Soomaali yahay.

Hadalsame Media