Xulka Nigeria oo ku goostay xulalka ka qayb gelaya Koobka Adduunka + Sawirro

0

(Lagos) 11 Juun 2018 – Xulka Nigeria ayaa ku goostay xulalka kubadda cagta oo ay ku dileen qaabka ay ugusoo lebisteen dharka hiddaha iyo dhaqankooda ee Buba iyo Sokoto, mar ay goor dhowayd u safrayeen Ruushka oo ay uga qayb gelayaan KA2018.

Xulka Nigeria oo ka mid ah xulalka ciyaara kubadda xamaasadda iyo isbiiritka ku dhisan ee qaaradda Afrika, ayaa haatan arrintaa ku biiriyay dareenka ay u leeyihiin dhanka lebiska.


Dad badan baa sugayay inay soo xiranayaan suudadka casriga ah ee ay inta badan xirtaan ciyaartooydu marka ay safrayaan, balse Nigeria waxay sheekada kasoo gashay xagal aan laga filaynin.

Hadalsame Media