Masar & Itoobiya oo is dhaarsaday sheegayna inay isha ku hayaan arrimaha Somalia!

0

(Qaahira) 10 Juun 2018 – Wasiirka Koowaad ee Abiy Ahmed Ali ayaa ballan ku qaaday inaysan waxba u dhimi doonin saamiga ay Masar ku leedahay biyaha Webiga Niilka, marka uu dhamaado dhismaha biya xireenka Dib u curashada (GERD).


Agaasimaha Xafiiska RW Itoobiya Fitsum Arega ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray in Dr Abiy Ahmed & madaxwayne El-Sisai ay isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan xiriirro ka baxsan webiga Niil, sida geeddi socodka nabadeed ee Somalia & South Sudan, Waxay sidoo kale ugu sacbisay mubaadarada cusub ee lagu dhameeynayo ismari waaga Ethio-

Ahmed ayaa warkan ka sheegay magaalada Qaahira oo uu kula kulmay madaxwaynaha Masar ee Abdel-Fattah Al-Sisi oo uu kula gorfeeyay biya xireenka wayn ee ay Itoobiya ka dhisayso Niilka Buluugga ah ee Itoobiya kasoo bilowda.

Siisii ayaa qaaday tillaabo aan horay looga baranin diblomaasiyadda kaddib markii uu dhaariyay Ahmed oo taagan rakada shirka jaraa’id: “Waxaan ku dhaaranayaa in aanayn Itoobiya waxba u dhimi doonin biyaha Masar,” ayuu yiri RW Itoobiya oo Masar aan booqanin tan iyo markii uu xilka la wargeeyay bishii Abriil.

Masar ayaa ka walaacsan in dhismaha biya xireenkani uu saamayn ku yeesho saamiga badan ee ay ka hesho biyaha webiga Niil oo gaaraya 55.5 bilyan mitir oo 3-jibbaaran.

Masar iyo Itoobiya ayaa u muuqda kuwo ajendaha ay ugu jirto Somalia oo ah dal ka daaley siyaasad dib u socod ah oo ay ku caan bexeen siyaasiyiinta Soomaalida iyo faragelin dibadeed.

Hadalsame Media