DAAWO: Maxaad ka taqaannaa ”Ilaalada Ordaysa” ee Kim Jong-un & shuruudaha yaabka leh ee lagu xusho (Qaybtii 1-aad)

0

(Singapore) 11 Juun 2018 – Dunidu waxay markale indhaha ka qaadday ilaalada ordaysa ee Jong-un oo la arkayay iyagoo daba ruclaynaya kolonyadiisa oo timi Singapore.

Balse arrintu waa ka dhib badan tahay orodkaa yar iyo suudadka madoow ee aad aragto, ee waxaa ku hoos aasan dhib iyo dhidid fara badan, maxaa yeelay marka ay amaanka timaaddo madaxwaynaha North Korea khalad yar ma ogola.

Haddaba, lafa guraha wayn ee Michael Madden ayaa sharraxaha xogo badan oo kaa qarsoon oo ku saabsan qaabka loo xusho ilaalada ordaysa ee Mr Kim.

Marka uu Kim ku sugan yahay dalkiisa North Korea, Ilaada ku dhow Mr Kim waxay ka kooban yihiin 3 rac, mid ka mid ihi waa kuwa Limousine-ka Kim daba socda ee aad hadda ku aragtaan Singapore ee suudka madoow ku jooga, waxaana lagu magacaabaa Central Party Office.

Waa raca ugu muhiimsan ee ku hareeraysan Mr Kim waxaana lagasoo xushaa ciidamada xoogga dalkaasi ee Korean People’s Army (KPA).

Waxyaabaha xulshadooda loo cuskado waxaa ka mid ah dhererka – tusaale ahaan waa inay ku dhowaad ku dherer yihiin hoggaamiyaha Kim – waana inaysan wax cillad ah ka qabin aragga.

La soco qaybta 2-aad…

Hadalsame Media