Jahawareerka jawiga siyaasadeed ee Maamulka Galmudug oo sii xoogeystay.

0

(Mogadishu) 11 Juun 2018 – Xiisadda Siyaasadeed ee Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya ayaa u muuqata mid faraha ka baxday saacaddihii ugu dambeeyey iyadoo maamulkaasi ay hore u cuuryaamiyiin khilaafaad aan dhamaad laheyn.

Wararka ka imaanaya Magaaladda Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka furmay shirka xubno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug, waxaana furey madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudugna goobjoog yahay.

Dhinaca kale wararka saaka oo Isniin ah laga helayo Magaaladda Dhuusa-Mareeb ee xaruta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxwayneha Galmudug Mudane Xaaf uu ku jiro isku day-giisii ugu dambeeyey oo ku magacaabayo golle Wasiiro oo cusub.

Waxaa welwel badan laga muujinaya khilaafka Galmudug iyadoo aanu jirin dadaal gudeed ka imanaya gudaha maamulkaasi, dhanka dhaqanka iyo xitaa dhanka Dowladda Soomaaliya oo aan illaa hadda la imanin qorshe khilaafkan lagu xallin karo.

Hadalsame Media