Kadib dilkii Askarigii Mareykanka waa sidee xaaladda Baar-Sanguuni, yaase gacanta ku haya? (Warbixin)

0

(Muqdisho) 11 Juun 2018 – Warsidaha Hadalsame Media ayaa ogaaday sida uu u dhacay dagaalkii Baar-Sanguuni ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay deegaankaasi oo ka tirsan gobolka Jubadda Hoose.

Baar-Sanguuni ayaa Muqdisho kaga began 350 kilomitir dhinaca koofur-Gabeed,waxaana sidoo kale uu dhacaa meel 50 kilomir dhanka waqooyiga kaga beegan Magaaladda Kismayo.

Al-Shabaab ayaa la ogaaday inay ka sii  war-hayeen duulaaka ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka ee ku soo fool lahaa deegaanka.

Maleeshiyaadka ayaa sidaas awgeed isku diyaariyey si wanaagsan waxaana dagaal culus ay la galeen ciidanka huwanta ah oo ka koobnaa 800 boqol oo askari.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ee dowladda Mareykanku tababartay ayaa qeyb ka ahaa duulaanka, waxaana la sheegay in lagu dilay 25 ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab. Sidoo kale qaar mid ah ciidanka huwanta ayaa halkaasi ku dhintay.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la xigto ayaa u sheegay Hadalsame Media in Al-Shabaab ay u muuqdeen inay ka warqabeen duulaanka ku soo fool leh ayna isku diyaariyeen ka hortaga ciidanka huwanta ah.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si ku talagal ah u soo daayeen biyaha webigga, taasina ay qeyb ka aheed in dagaalkaasi waqti dheer qaatay.

Al-shabaab ayaa aad u isticmaalay hubka culus intii lagu jiray dagaalkan waxaana hubkaas ka mid ahaa Hoobiyeyaal fara badan. Askariga Mareykanka ee la dilay iyo afarta kale ee dhaawacmay ayaa waxaa haleelay firirka xabadda qoriga Hoobiyeha oo ku dhacday, aaga danbe ee ciidanka huwanta ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa aalaba aan dagaalka ka galin safka hore waxaana doorkoodu ku kooban yahay farsamo, la talin, iyo kaalmo xagga cirka ah markii loo baahdo. Al-Shabaab ayaa sidoo kale maalin kadib duulaankii Baar-Sanguuni qaaday weerar loo adeegsaday gaari ismiidaamin ah, waxaana la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen lix ka tirsan ciidamo Soomaali ah oo hawlgalka qeyb ka ahaa.

     Ujeedka dulaanka Baar-Sanguuni.

Illo-xog-ogaal ah ayaa u sheegay Hadalsame Media in ujeedka dulaanka uu ahaa in deegaanka laga sameeyo saldhig weyn oo geed fadhi u noqon kara dullaan ballaaran oo la qorsheynayo in Al-Shabaab looga saaro dhulka Jubbada Dhexe iyo guud ahaan Jubaland.

     Yaa ku sugan Baar-Sanguuni?

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Maamul goboleedka Jubaland iyo ciidamo shisheeye ayaa hadda gacanta ku haya deegaanka Baar-Sanguuni, waxaana halkaas booqday maalinimaddii Axaddii ee shalay Madaxwayneha Jubaland Axmed Madoobe. sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga, u jeedka safarka Madaxwayne Madoobe waa dhiiragalinta ciidamada halkaas ku sugan.

Hadalsame Media